Sawirro: Howl-gallo ballaaran oo laga sameeyey magaalada Gaalkacyo

0

Howlgalkaan oo ay wadajir u fulinayaan Booliiska Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga waxaa ay ciidamadu ka sameeyeen waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Howlgalkaan amniga lagu xaqiijiyay ee ciidanka ka sameeyeen xaafadaya waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo ayaa waxaa hogaaminayay Taliye xigeenada Qeybta Booliiska Gobolka mudug ee Galmudug iyo Puntland G/Le Maxamed xasan Warsame san jeex iyo koomaad

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalkaan ayaa tilmaamay in Howlgalkaan loogu talo galay sugitaanka Amniga Gaalkacyo iyo sidii looga hortagi lahaa falalka kooxaha Maleeyshiyaadka gaystaan Magaalada taas oo ay ku dhibaateeyaan Bulshada Soomaliyeed

Saraakiisha ayaa ugu baaqay Bulshada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland inay la shaqeeyaan ciidanka Booliiska ee markasta u taagan amniga iyo la dagaalanka nabad diidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here