Sawirro: Kenya oo dad usoo qab-qabatay afduubka gabar Soomaali ah

0

Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa soo bandhigay sawirrada laba ruux oo ay sheegeen in laga qabo tuhunka ugu badan ee ah in ay ka dambeeyeen afduubkii dhowaan loo geystay gabar Soomaali ah oo ku nool gudaha Nairobi.

Hay’adda dambi baarista Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo DCI ayaa barteeda Internet-ka ku faafisay in ciidamada ammaanka ay saaka gacanta kusoo dhigeen haweeney iyo nin Kenyaan ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen afduubkii Xafsa Maxamed Luqmaan oo aheyd gabar Soomaaliyeed oo ganacsato ah, kuna mid ah Soomaalida  xaafadda Islii

DCI waxay sheegtay in labadan ruux ay gacanta ku soo dhigeen, kadib howl-gal gaar ah oo subaxnimadii hore ee maanta ay sameeyeen ciidamada sirdoonka dowladda Kenya.

Hay’adda waxa ay intaasi ku dartay in labada ruux ee ay soo qabteen ciidamada amniga  iyaga oo ku sugan hotel ku yaalla magaalada Nairobi oo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Kenya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in cid waliba ay uga digayaan afduubka, qof walba oo falkaasi lagu helana la ciqaabi doono.

Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa 15-kii bishan June lagu afduubtay gudaha magaalada Nairobi, waxaana ugu dambeyn Booliska ay soo bad-baadiyeen 20-kii bishan, kadib marki guri afduub ahaan loogu heystay oo ku yaalla tuulada Matopeni ee deegaanka Kayole, waxaana ka muuqday dhaawacyo iyo jirdil xoogan ay u geysteen afduubayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here