Sawirro: Kulan looga hadlayey amniga oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Miqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay amniga guud ee Caasimadda, gaar ahaan sidii looga hortegi lahaa falalka liddiga ku an amniga ee ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa kulanka intii uu socday lagu soo qaaday u diyaar garowga maalmaha xorriyadda ee 26-ka June iyo sidoo kale 1-da Luulyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here