Sawirro: Kulan looga hadlayey amniga oo lagu qabtay Wadajir

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Degmada Wadajir kaga qayb galay kulan loga hadalayay Amniga iyo sidii loga hortagi lahaa waxyabaha Mukhaadaradka oo maalmahaan laamaha amniga ay howlagllo ka dhan ah ay kawadeeyn Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha  ayaa ugu baaqay shacabka Wadajir in ay ka shaqeyaan Amniga Degmadoda si ay u helaan Nabad iyo xasilooni , sido kale wuxuu kula dardaarmay in ay caruurtoda ka celiyaan waxyabaha maanka dooriya oo malmahaan kusoo badanaya Magaalada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa sidokale sheegay inay wadaan olole looga hortagyo kuwa geysta falalka Amnidrro, kuwaas oo uu sheegay inay dhiiragelin ka helayaan dadka ka Ganacsada maandooriyaha & kuwa isticmaala, waxa una tilmaamay in ciidamada Amniga gacan bir ah ku qaban doonaa shaqasiyadka falalka amni darada ka geeysata Degmada Wadajir iyo kuwa kalaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here