Sawirro: Lafta Gareen oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Boqor Salmaan

0

BAYDHABI (SMN) – Madaxweynaha maamul Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Yuusuf Bakiit Raxma oo ah Madaxa Bariga Africa ee Hay’adda Boqor Salmaan oo Maanta Baydhabo gaaray.

Madaxweyne Laftagareen ayaa wafdiga kala hadlay arrimaha saamaynta abaaraha iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa Bulshada Saamaysay abaaraha ee ku nool guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa madaxweynaha Koonfur Galbeed ku wehelinayay wasiiro,agaasimaha madaxtooyada,gudoomiyaha degmada iyo mas’uuliyiin kale.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here