Sawirro: Maalinta nabadda adduunka oo laga xusay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’isul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah furay Munaasabad lagu xusayo maalinta nabadda adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta

Hal ku dhiga munaasabadda ayaa ah sanadkan “Jooji heybsooca, horumari nabadda”.

Munaasabadda waxaa ka qeygalaya  wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi, ku xigeenka mudane Cabdixakiim Ashkir, Ergeyga UN-ka ee Soomaaliya James  Swan, safiirrada dalalka caalamka u jooga dalka, mas’uuliyiin mataleysa dowlad goboleedyada, maamulka gobalka banaadir, Ururada Bulshada rayidka iyo Ururka Haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here