Sawirro: Madaxeynaha Galmudug oo soo gaaray magaalada Muqdisho + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, isaga oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Qoor Qoor ayaa u yimid caasimadda ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, oo lagu wado in uu ka furmo xarunta Villa Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin amniga, dagaalka Shabaab ee haatan ka socdo gobollada, qeybsiga kheyraadka iyo gurmada Abaaraha ee dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here