Sawirro: Madaxweynaha dalka Kenya oo ka soo dagay garoonka Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyey sida dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u soo dhaweynayaan Madaxweyne William Ruto iyo wafdigiisa oo booqashadii ugu horreysay ku yimid dalkeenna, tan iyo markii la doortay.

Dhankiisa, Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshaha kala guurka ee howlgalka ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here