XARARDHEERE (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha ciidanka Dhulka ayaa gudoomiyay Kulan looga hadlayay adkaynta Amniga Degmada Xarardheere oo lagu qabtay degmadaasi.
Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda ee howlgallada ka wada halkaas ayaa lagu soo qaaday xoraynta deegaanada kale ee Galmudug.
Sidoo kale Qoor Qoor ayaa xog waraystay saraakiisha amniga ee ku sugan degmada iyo qorshayaasha socda ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Xarardheere ayaa ka mid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee Al-Shabab lagala wareegay, kadib howlgallo ka dhacay Galmudug.