Sawirro: Madaxweynaha Hirshabeelle oo booqday deegaano laga saaray Shabaab

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta booqday deegaanada Geyfo, Bakajeex, Qoordheere iyo Warciise oo dhowaan laga saaray Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa kormeeray dhamaan deegaanada laga xureeyay Al-Shabaab, Isagoo halkaas kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan iyo Qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidamada ku sugan halkaasi.

Cali Guudlaawe ayaa la hadlay boqolaal ka tirsan ciidamada deegaanka ah oo usoo qalab qaatay ka qeybgalka howlgalada baahsan ee ka socdo Shabeelaha Dhexe waxa uuna ku bogaadiyay yididiilada ka muuqata iyo sida ay uga go’an tahay inay Gobolkaan ay ka saaraan Alshabaab.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Hirshabeelle inay u soo hub qaataan, sidii guud ahaan Alshabaab looga saaran lahaa deegaanka dowlad goboleedka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here