Sawirro: Madaxweynaha HirShabelle oo kulamo ka wada magaalada Stanbul

0

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xalay Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga uga qeybgalay kulan casuumaad ah oo ganacsatada iyo jaaliyada Magaaladaas ay u sameeyeen.

Cali Guudlaawe oo kulankaan uu ku wehliyay Mudane  Cabdulqaadir Caraboow Ibraahim, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa iska Xog wareystay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan tan Hirshabeelle.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee Stanbul uga mahadceliyay casuumaada iyo soo dhoweynta ay u sameeyeen isagoo u sheegay faa’iidada muhiimada ay leedahay inay maalgashtaan Dalkooda si gaar ahna u la wadaagay fursadaha Maalgashi iyo tan ganacsi ee ka banaan Hirshabeelle.

Ganacsatada kulankaan Casuumaada ah u sameeyay Madaxweynaha ayaa dhankoooda balanqaaday inay  booqan doonaan Deegaanada iyo Degmooyinka Hirshabeelle si ay u maalgashtaan deegaanadaas  barwaaqada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here