Sawirro: Madaxweynaha HirShabelle oo safar dhulka ah ku gaaray Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta socdaal dhulka uga baxay Magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray Magaalada Jowhar Caasimada Hishabeelle.

Madaxweynaha oo safarkaan uu ku wehliyay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan ayaa socdaalkiisa kusoo maray degmooyinka Warsheekh, Raage Ceelle iyo deegaanaada Warciise iyo Qoordheere oo dhowaan laga saaray Shabaab.

Ugu dambeyn Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo gaaray Magaalada Jowhar oo ay kusoo dhoweeyeen Xubnaha labada gole ee Dowladda, Maamulka Gobolka iyo Masuuliyiin kale.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here