Sawirro: Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray magaalada Dhoobley + ujeedka

0

DHOOBLEY (SMN) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhoobley halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeeyey.

Maamulka Dhoobley, Odayaal, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Golaha wasiirada ee Jubaland ayaa 23-June-2022 shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay kamid noqdaan Degmooyin rasmiga ah ee Jubaland.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Dhoobley kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here