Sawirro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay  kadib safar shaqo oo maalmo qaatay uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka iyo Dalka Walaalaha aan nahay ee Turkey.

Lafta Gareen ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaran ee Doorashooyinka dalka taas oo heshiis lagaga gaaray hanaanka Doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonto.

Masuuliyiin katirsan labada gole  ee Dowlada iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Dr Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here