Sawirro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Waajid

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Lafta-gareen oo faah faahin ka bixiyay safarkiisa ayaa sheegay in marka hore ujeedkiisa uu yahay ka qeyb galka munaasabad lagu caleemo saarayo Maamulka Cusub ee Golaha deegaanka degmada Waajid.

Madaxweye Lafta-gareen ayaa sheegay in Golaha degaanka ee degmada Waajid loo dhisay ay qeyb ka heyd balan-qaad uu sameeyay safarkii kan ka horeeyay ee uu ku tegay degmadaas.

Madaxweenaha ayaa bulshada reer Waajid u sheegay in dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ku howlantahay sidii ay u furi laheed wadooyinka xiran ee gala Degmada Waajid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here