Sawirro: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray magaalada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) -Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalo xeebeedka Baraawe.

Socdaalka Madaxweyne Lafta Gareen ayaa la xiriira xaragjarka mashaariic dhowr ah oo laga fuliyey Baraawe, dhagax-dhiga kuwo horleh iyo dhiiragelinta Dadka Deeganka iyo qeybaha kala duwan ciidamada ee u diyaar garoobaya la dagaalanka Al-Shabaab.

Garoonka diyaaradaha degmada Baraawe waxaa wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed kusoo dhoweyey gudgoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose, Duqa Caasimadda Baraawe, saraakisha Laamaha amniga iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here