Sawirro: Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo ka wada Cadale + Ujeedka

0

CADALE (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan kula qaatay degmada cadale duubabka dhaqanka, waxgaradka iyo nabadoonada.

Kulankaan ayaa looga hadlay dhameystirka arrimaha dib u Heshiisiinta iyo nabadeynta Beelo Walaalo ah oo colaadi ku dhexmartay deegaano hoos yimaada Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo la isla qaatay in xal guud laga gaaro colaadahaan soo noq noqday ee ka jira deegaanadaan.

Kulankaan ayaa sidoo kale looga hadlay dhibaatooyinka ka jira deegaanka oo ay ugu horeyso isbaarooyinka sida sharci darrada ah ugu soo batay deegaanadan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aan la aqbali doonin isbaarooyinka sharci darrada ah ee daadsan deegaanadaan waxa uuna intaas ku daray in qofkii lagu helo isbaaro uu mudan doono ciqaab sharciga waafaqsan, isagoo xusay in isbaarooyinkaan la baabi’in doono oo ay salka la gali doonaan dad waaweyn oo saraakiil ama qabaailo ah.

Dhankiisa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tilmaamay in dhibaatooyinka ka jira deegaankaan ay yihiin colaad beeleedyo iyo isbaarooyin fara badan oo deegaanadaan yaala taas oo hoos u dhigtay horumarkii laga filayay inay gaaraan degmooyinka iyo deegaanada Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Xildhibaanada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, duubabka iyo madax dhaqmeedyada dhaqanka ayaa saxiixay in aan lasoo dabakici doonin qofkii lagu qabto iyadoo ay isbaaro u taalo ama dadka shacabka ee waddada ku socdaala dhibaateynaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here