Sawirro: Madaxweyne Lafta Gareen oo kulamo ka wada magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi.

Madaxweyne Lafta Gareen iyo Danjire Alberto oo kulankooda Saacado qaatay ayey uga wada hadleen Taageerida Howlgalada socda ee lagu Ciribtiraayo Khawaarijta Al-shabaab iyo sidii loo taageeri lahaa wax soo saarka Beeralayda.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay La-Taliyaasha Madaxweynaha iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Koonfur-galbeed.

Dhinaca kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa Qaabilay ku xigeenka Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Arimaha Soomaaliya Marwo Anita kiki Gbeho.

Lafta Gareen iyo Anita kiki kulan kooda waxay diirada ku saareen Howlgalada socda,Abaaraha ka jira Dalka,Mashaariicda Hormarineed, iyo Dardargelinta Dhismaha Gollaha Deegaanka Degmooyinka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here