Sawirro: Madaxweyne Lafta Gareen oo kulan la qaatay safiirka Itoobiya

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa Aqalka madaxtooyadda ee magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka toobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Amb: Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo safiirka Itoobiya ayaa ka wada hadlay Kulanka Arrimaha Doorashooyinka iyo Amniga.

Kulanka kadib Lafta-gareen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ka wada hadleen xiriirka dheer iyo wada-shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay ka wada hadleen arrimo ku saabsan amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo kan doorashooyinka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here