Sawirro: Madaxweyne Xasan oo la kulmay safiirada dalalka Qatar iyo Sacuudiga

0

MUQDISHO (SMN) -Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay safiirka dowladda Qatar u jooga Soomaaliya Ambassador Hassan bin Hamza Hashem.

Hassan bin Hamza Hashem ayaa salaan iyo duco ugu yimid madaxweynaha, waxaana uu ugu hambalyeeyay, guusha uu ka gaaray, doorashadii ka dhacday magaaladda Muqdisho ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay .

Sidoo kale Madaxweynaha cusub ayaa qaabilay safiirka dowlada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad.

Kulanka oo ahaa salaan iyo Hambalyo ayaa safiirka waxaa uu madaxweynaha ugu hambalyeeyay guusha uu la gaaray doorashadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here