Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay guddoonka Golaha Shacabka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu uga warbixiyey howlgallada dalka lagaga xoreynayo Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa xusay in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay udub-dhexaad u yihiin qorshaha dalka lagaga xoreynayo Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyey Guddoonka iyo Xildhibannada Soomaaliya in ay dardar-geliyaan ansixinta sharciyada iyo siyaasadaha hortabinta u leh dowladnimada ee Xukuumaddu ay u soo gudbinayso, lana xoojiyo wada-shaqeynta goleyaasha dowladda.

Kulankan waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiye Kuxigeennada Koowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar iyo Cabdullaahi Cumar Abshir.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here