Sawirro: Maxaa ka soo baxay shirka golaha wasiirada maamulka Puntland?

0

GAROOWE (SMN) – Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Tobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada ee maaamulkaasi, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

Shirka ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Miisaaniyadda 2023, Mashaariicda Bangiga Adduunka, Hay’adda baarista Hidda-sidaha, dardargelinta Doorashooyinka iyo warbixinta safar Wasaaradda Ganacsiga ku tagtay Gobolka Mudug.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah lagu ansixiyey Miisaaniyada Dowladda ee Sanadka 2023 taasi oo dhan $376,699,825, iyada oo boqolayda kororku yahay 6% marka la bar-bar dhigo sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here