Sawirro: Maxaa ka soo baxay shirka maamulka sare ee gobolka Banaadir?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa guddoomiyay kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Degmada Kaxda, kaas oo looga hadlay dhowr qodob ku saabsan horumarrinta Caasimadda.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha Guud ee Gobolka, Taliyaha Ciidanka ilaalinta Deeganka, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska iyo Nabad-Sugidda, Agaasimayaal iyo Guddoomiyaasha degmooyinka.

Qodobada looga hadlay Shirka Degmooyinka waxaa kamid ahaa dardargalin Sugida Amniga, fulinta baaqii Madaxweynaha JFS ee la xariiray barnaamijka ‘Garanwaa’ oo lagu hubinayo badqabka iyo amniga qoysaska, horumarrinta Nadaafada, la dagaalanka Maandooriyaha, Buracada iyo kor u qaadida Kobaca Dhaqaalaha.

Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shirka kadib warbaahinta kula hadlay Xarunta Degmada Kaxda oo uu shirka ku qabsoomay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here