Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada maamulka Puntland?

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Maamulkaas oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Mashaariicda lagu horumarinayo Biyaha iyo Korontada, wax ka bedel lagu sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland iyo xaaladda Abaaraha oo Guddi loo saaray.

Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay xaaladda Abaarta, waxaana Madaxweynuhu uu magacaabay Guddi ka kooban Wasaaradaha si loo dardargeliyo wax ka qabashada saameynta Abaarta iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay.

Golaha ayaa wax ka bedel ku sameeyay derejada qaar ka mid ah degmooyinka Puntland oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana degmooyinka kala ah Bareedo, Carmo, Boocame, Xiingalool iyo Xarfo oo awal ahaa heerka saddexaad (C) loo dalacsiiyey heerka labaad ee degmooyinka Puntland (B).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here