Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe & wakiilka Midowga Afrika?

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira, iyo masuuliyiin kale oo ka socotay howglalka AMISOM.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay howlgalada amni ee wadajirka ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa sugida amniga Doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa kulankan Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka amniga Mudane Janaraal Yusuf Xuseen Cismaan dhuumaal iyo sarakiisha hay’adaha amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here