Sawirro: Maxay ka wada-hadleen duqa Muqdisho iyo safiirka Mareykanka?

0

MUQDISHO (SMN) – Gudddomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa  Muqdisho Mudane Yusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Dawladda Mareeykanka u joogo Soomaaliya Larry Andre.

Kulankaan ayaa waxaa qayb kaa ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Mudane Faysal Caraale afrax Agaaismayaal iyo hawlwadeeno Maamulka G/Bnaadir.

Dhinaca kale Safiirka Mareykanka waxaa kulanka ku wehilinayay Safiir ku xigeen kiiisa iyo wakiilka Guud ee Hey’adda USAID Somalia Anthony Diaz iyo Jeffrey Bakken.

Guddomiyaha G/Banaadir ayaa uga mahadnaqay Dawladda Mareeykanka taageerada ay siiso Soomaaliya dhinacyada Amniga, gargaarka iyo Horumarinta isagoo si gooni ah u bogaadiyay hawlihiii horumarineed oo ay hey’adda USAID  ay Sanadihii danbe ka sameeysay Magaalada Muqdisho.

Guddomiyaha G/Banaadir ayaa si Guud ula wadaagay Safiirka Mareeykanka arrimaha Amni, gargaar iyo Horumarinta sida kaabyaaahsa isku socodka iyo kobcinta Dhaqaalaha ee hortabinta u leh maamulka G/Banaadir, Xasilinta, Dib u hishiisiinta iyo Shaqa abuurka dhalinyarada.

Safiir Larry ayaa la wadaagay Guddomiyaha Gobolka sida ay Dawladda Mareykanka ugu go’antahay sii wadista taageeerada Soomaaliya isagoo dhanka kale la wadaagay Guddomiyaha Gobolka talooyin la xiriira arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha iyo sida loo xoojin karo iskaashiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here