Maxay ka wada-hadleen guddoomiyaha BF iyo Axmed Madoobe? + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xalay hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay gurmadka abaaraha iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.

Sidoo kale labada masuul ayaa kulankooda diirada ku saaray xaalada guud ee dalka gaar ahaan abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah gobolada Dalka, waxaa uu Madaxweyne Axmed Madoobe warbixin ka siiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka sidii Dalka looga saari lahaa xoogaga Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here