Sawirro: Maxay ka wada-hadleen ra’iisul wasaare Rooble & saraakiisha AMISOM?

0

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee uu wehliyo  Wasiirka Gaashaandhigga,xukumadda federalka Soomaaliya  Xasan Xaaji, ayaa maanta Magaalada Kismaayo kula kulmay taliyeyaasha sare ee ciidamada Amisom qeybta 2-aad ee ka howlgala deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay arrimaha amniga doorashada iyo iskaashiga ay la leeyihiin ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha Jubbaland gaar ahaan howl-galada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socdo deegaannada Jubbaland sida gobolada Jubbada Hoose,Jubbada dhexe iyo gobolka Gedo.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here