Sawirro: Maxay ka wada-hadleen wasiirka arrimaha dibadda & Danjiraha Qatar?

0

Muqdisho (SMN) -Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Mudane Xasan Bin Xamsa Asad, oo booqasho sharafeed ugu yimi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Dowladda Qadar ayaa waxa ay kulankooda kaga wada hadleen xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga dheef-wadaagga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ay dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here