Sawirro: Maxay ka wada-hadleen wasiirka haweenka XF Soomaaliya iyo danjiraha UK?

0

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta kulan la yeelatay danjiraha UK ee Soomaaliya Kate Foster.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka, ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo xaqiijinta qoonddada haweenka ugu yeraan 30%.

Wasiir Xaniifa, ayaa ka warbixisay ololaha xaqiijinta qoonddada haweenka oo wasaaradda garwadeyn ka tahay.

Danjire Foster, ayaa dhankeeda soo dhaweysay dadaalka wasaaradda ugu jirto sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqda siyaasadeed ee Haweenka ku leeyihiin labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here