Sawirro: Maxay ka wadahadleen Cabdi Xaashi iyo safiirka Imaaraadka Carabta?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa kulan soo dhoweyn iyo isbarasho la yeeshay danjiraha cusub ee Dowladda Imaaraadka Carabta Amb. Axmad Jumca Alromayth.

Danjire Axmed Alrumayth ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi u sheegay in Dowladda Imaaraatka Carabtu ay ka go’antahay kaalmada iyo garab istaaga shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay adkeeyaan xiriirka wanaagsan ka dhaxeeya labada dowladood.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo bogaadiyay dadaalka iyo garab istaagga Dowladda Imaaraadka Carabta ay la garab istaagtay Soomaaliya, ayaa dhinaca kale danjiraha kula dardaarmay ka shaqaynta iyo adkeynta xiriirkii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here