Sawirro: Maxay ka wadahadleen Duqa Muqdisho iyo Ururada Bulshada Rayidka?

0

MUQDISHO (SMN) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan horumarrinta bulshada la qaatay madaxda Ururada Bulshada Rayidka.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh).

Sidoo kale waxaa qodabadii  kulabnka looga hadlay ka mid ahaa sidii ururada Bulshada ay Maamulka Gobolka ugu garab istaagi lahaayeen Amniga, Bilicda Caasimadda iyo in si wadajir looga shaqeeyo xalinta caqabadaha bulshada heysato.

Maalmihii dambe Duqa Muqdisho ayaa waday kulamo uu gaar ula yeelanayo qaybaha bulshada, wuxuuna dhowaan maalin gooni ah u sameeyay dadka qaba baahiyaha gaarka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here