Maxay ka wadahadleen guddoomiyaha BF Somalia iyo Marwo Anita Kiki? + Sawirro

0

MUQDISHO (SMNN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya ee (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulanka Guddoomiyaha iyo Marwo Anita Kiki ayaa looga hadlay arrimaha mudnaanta u leh dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed,.

UNSOM ayaa xustay in taageereyso dadaalada uu garwadeenka ka yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS si loo helo isfaham bulsho loona sii amba qaado xorreeynta deegaannada ay Shabaab go’doomiyeen.

Shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa qorshuhu yahay in maalmaha soo socda uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaaladda siyaasadeed oo kacsan, kadib markii uu muran xoogan hareeyay doorashada ku soo foodka leh maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here