Sawirro: Maxay ka wadahadleen Saciid Deni iyo safiirka cusub ee Denmark?

0

NAIROBI (SMN) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Nairobi ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Denmark usoo magacowday Soomaaliya Amb. Steen Sonne Andersen iyo Madaxa Howlgalka Denmark ee Soomaaliya Gertrud Kummel Birk.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya sida Amniga iyo Siyaasadda iyo Arrimaha Puntland sida Dimuqraadiyadda iyo Mashaariicda horumarin.

Waxaa Madaxweynaha Kulanka kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyad Puntland C/fataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid Cali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here