Maxkamadda ciidamada Jubbaland oo toogasho ku fulisay laba qof + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay laba askari oo hore uga tirsanaa ciidamada Jubbaland kuwaas oo siyaabo kala duwan dilal uga geystay magaalada KIsmaayo.

Labada askari ee toogashada lagu fuliyay ayaa kala ahaa:-

  1. Weyrax Khaliif Yuusuf oo 25-kii Nov, 2020 Toori ku dilay haweeney lagu magacaabi jiray Xaliimo Cali Roobow.
  2. Yuusuf Xuseen Cabdi oo isna Taariikhdu markay ahayd 17-Nov, 2021 dil u geystay Marxuum Dable Xoogga dalka Cabdullaahi Cali Suuli.

Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland G/dhexe Bashiir Maxamuud Xareed oo aqrinayay warqadda xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in maanta ka oofiyeen qiysaasta dilalkii ay geysteen labada gacan-ku-dhiigle ee kor ku xusan.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here