Mid ka mid ah xarumaha wasaaradaha XFS oo si casri ah loo dhisayo + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka XFS Mudane Xildhibaan Mudane Maxamed Xasan Bulaale ayaa kormeer indho indhayn ah ku tagay dib u dhiska iyo qaabeynta cusub ee lagu sameynayo xarunta Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo sidoo kale dhismaha baqaarka daawada oo ah mid aad ubaaxad wayn oo maraya meel gaba-gaba ah.

Ugu horreyn wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay Injineerada iyo howlwadeenada gacanta ku haya dhismaha shaqada halka ay u marayso iyo wixii caqabado ah oo haysta.

Howlahan waxa ay qayb ka tahay dib udhiska iyo dadaalada lagu hormumarinayo dhismayaasha hay’adaha dowliga ah ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambey wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ayaa u mahadceliyay hay’adda WFP iyo quburada Injineerada ah ee ka shaqeynaya howlaha dib udhiska wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here