Sawirro: Muxuu yahay ujeedka shirka uu guddoomiyay R/W ku xigeenka dalka?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa maanta shir guddoomiyey Guddi Hoosaadka Tiirka Dhaqaalaha.

Guddiga ayaa soo bandhigay waxqabadkoodii iyo mashaariicda hir-galay sannadkii la soo dhaafay iyadoo la waafajinayo qorshaha Xukuumadda #DanQaran, sidoo kalena waxay shirka ku soo bandhigeen qorshooyinka ay dejiyeen ee la xiriira mashaariicda horumarineed ee sannadka cusub la filayo in la fuliyo.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa faray xubnaha Guddi Hoosaadka Tiirka Dhaqaalaha ee Xukuumadda in ay dardar geliyaan fulinta qorshooyinka laga sugayo sannadka 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here