Sawirro: NUSOJ oo tababar muhiim ah ku soo gebogebeysay magaalada Kismaayo

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa Maagalada Kismaayo lagu soo gabogebeeyey tababar uu Ururka NUSOJ u qabtay 25 gabdhood oo suxufiyiin ah, kuwaas oo ka howlgalla warbaahinadda madaxabanaan ee ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Tababarkan ayaa looga hadlayay la-dagaalanka xad-gudubyada ku salaysan Jinsiga iyada oo la awoodsiinayo haweenka suxufiyiinta ah islamarkaana la hormarinayo badqabka gabdhaha suxufiyiinta.

Xeritaanka aqoon-is-weedaarsigan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Jubaland.

Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Cadar Ismaaciil Cabdullaahi ayaa si kooban u sharaxday muhiimada uu tababarkan u leeyahay gabdhaha suxufiyiinta.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Jubbaland, ahna ku simaha gudoomiyaha gudiga Xuquuqul Insaanka Gollaha Wakiilada Jubbaland, Xildhibaan Faadumo Cali Cabdikariim, oo xeritaanka tababarkan ka hadashay ayaa dardaaran u jeedisay gabdhaha suxufiyiinta.

Tababarkan uu soo qaban qaabiyay Ururka NUSOJ islamarkaana qabashadiisa ay gacan ka geysatay Hay’adda UNFPA ayaa ujeedkiisu ahaa awood siinta gabdhaha suxufiyiinta maadaama inta badan ay la kulmaan xad-gudubyo ku salaysan Jinsiga, caga jugleyn, iyo sumcad dil dhanka internet-ka

Ugu dambeyn, Ururka NUSOJ ayaa ballan qaaday in tabbaro nuucan ah la siin doono gabdhaha suxufiyiinta ee ku sugan Magaallooyinka Muqdisho iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si kor loogu qaado xirfadaado, iyo ka hortegga xad-gudubyo ku salaysan Jinsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here