Sawirro: Puntland oo daah-furtay shirka nabadeynta ee Saax-maygaag

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa daah-furay shirka nabadaynta iyo dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag.

Karaash oo hore u iclaamiyey qabashada shirkani ayaa maanta si rasmi ah uga furay degaanka Hadhwanaag, waxaa kasoo qayb-galay dhammaan Isimada qaybta ka ah nabadaynta, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, waxaana laga soo saaray go’aamo gundhig iyo tiir u ah nabadda iyo wada-noolaashaha beelaha walaalaha ah.

Go’aamadaas oo kala ah

1.Xabad joojin rasmiya oo la dhex dhigay beelihii dirirtu dhex martay.

2.kala rarista ciidamadii dirirtu dhex martay.

3.In dowladu la wareegto amniga deegaanka lagu diriray.

4.Dowladu waxay magacaabay gudi kormeera qodobad lagu heshiiyey fulintooda.

5.In cidii jebisa heshiiska lagu ganaaxo 200 oo halaad oo aan wakhti lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here