Sawirro: Qoor Qoor oo furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta furay kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Galmudug oo maanta ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Galmudug waxaa sidoo kale goobjoob ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Dahir Ciid.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeyso guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo  mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen shantii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan lixaad ee baarlamaanka.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6aad  ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here