Madaxweyne Qoor-Qoor oo la kulmay safiirka Shiinaha u joogo Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Dalka China u fadhiya Soomaaliya Mr. FEI Shengchao.

Qoor-Qoor iyo Danjiraha Shiinaha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, dhiirogelinta xiriirka ganacsiga iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha Galmudug.

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay kulanka iyo guud ahaanba garab istaagga dowladda China.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here