Sawirro: R/W Rooble oo guddoomiyey shirkii ugu dambeeyey ee golaha wasiirada

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS ee shaqada ka sii tagaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo dib loogu eegay howlihii u qabsoomay Xukuumaddiisa muddadii ay shaqeyneysay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada ugu mahadceliyay sidii wanaagsaneyd ee ay ula soo shaqeeyeen,

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha kula dardaarmay sii wadista howlaha qaranka iyo gacan siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban iyo dowladda cusub.

Dhawaan ayaa la filayaa in ra’iisul wasaaraha magacaaban uu xilka la wareego, kaas oo marka hore la horgeyn doono xubnaha baarlamaanka, si ay u siiyaan codka kalsoonida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here