Sawirro: Rooble oo kormeeray dhismaha xarunta cusub ee xukuumadda

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo heer gabogebo ah maraya.

Rooble ayaa la kulmay Injineerrada gacanka ku haya howlaha dhismo iyo dib u dayactirka ka socda xaruntii hore ee xisbiga, si ay ugu shaqayso xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya mudane, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-caddaala) ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ahmiyad gaar ah u leedahay in ay xukuumaddu ku shaqayso xarun ku taalla bartamaha Muqdisho oo si casri ah loo dhisay.

Ra’iisulwasaaraha XFS , Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Xafiiska wasiirka koobaad iyo xukuumadda ay ku shaqayn doonaan, hoolka shirarka iyo kulamada, hoyga iyo deegaanka Ra’iisulwasaaraha, guriga martida, masjid iyo dhismayaal kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here