Sawirro: R/W Xamza oo guddoomay qorshe hawleedka laba wasaaradood

0

MUQDISHO (SMN) – Iyada oo laga duulayo Qorshaha Qaranka iyo Barnaamijka Xukuumadda Dan-Qaran, isla markaana la dardargelinayo hawlaha horqabadka u leh xukuumadda iyo isla xisaabtanka Hey’adaha fulinta, ayaa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada iyo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda JFS  waxay u soo bandhigeen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre Ballanqaadka Qorshaha waxqabadka Wasaaradahaasi ee Sanadka 2023.

Si  loo gaaro Hiigsiga Xukuumadda ayaa Ra’iisal Wasaare Xamse wuxuu ku boorriyay Wasiirrada in la xoojiyo wadashaqaynta hey’adaha dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, isla markaana wuxuu ballanqaaday in xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu dardargelin doono hirgalinta hannaanka casriga ah ee lagula soconayo  warbixinnada iyo waxqabadka wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Guddoonka qorshe hawleedka wasaaradahan ayaa ku soo beegmay, iyada oo Xukuumadda Dan-Qaran ay ku guuleysatay halbeegyo waaweyn oo la qabtay 100-kii maalmood ee ugu horreeyay, waxaana la filayaa in sidan oo kale ay dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda ay u soo gudbiyaan qorshe hawleedka 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here