Sawirro: R/W Xamza oo kormeeray xarunta isgaarsiinta dalka Jabuuti

0

JABUUTI (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta isgaarsiinta dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii kormeerka ay ku jireen la tusiyay xarunta laga maamulo khadadka internet-ka ee mara badda iyo qeybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay.

Mudane Xamse ayaa ku ammaanay hey’adda iyo maamulkeeda horumarka joogtada ah ee lagu wado isgaarsiinta dalka Jabuuti.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa booqday dekedaha kala duwan ee Jabuuti, iyada oo la tusiyay qeybaha ay ka kooban yihiin iyo saldhigga ay ka baxaan tareenada qaada badeecadaha ka soo dega dekeddaha

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here