Sawirro: R/W Xamza oo la kulmay Farmaajo, Shariif iyo Khayre + ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) –  Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa weli kulamo ka wada Muqdisho, wuxuuna xalay booqasho ugu tegay madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Qoraal uu soo saaray kulanka, kadib Farmaajo ayaa wuxuu kaga hadlay booqashada uu u ugu tegay Xamza, wuxuuna Alle uga baryey inuu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

“Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo caawa i soo booqday waxaan ugu hambalyeeyey xilka loo magacaabay, aniga oo Alle uga rajeeynaya in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka horyaalla,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa xalay kulan la qaatay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Shariif Sheekh Axmed, kadib booqasho uu ugu tegay gurigiisa.

“Waxaa isoo booqday Ra’isulwasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, soo dhoweyn iyo hambalyayn kadib waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka. Waxaan mar kale ugu hambalyaynayaa mas’uuliyadda loo magaacabay, waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada sharafta leh in ay siiyaan codka kalsoonida ra’iisulwasaaraha cusub, si uu u soo dhiso xukuumad cusub oo dalka iyo dadka u adeegta,” ayuu lagu yiri qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ra’iisul wasaare Xamze ayaa sidoo kale isla xalay wadahadal la yeeshay ra’iisul wasaarihii ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre, waxayna ka wada-hadleen geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya, sida uu shaaciyey Khayre oo isna qoraal kooban soo saaray.

“Waxaan Ra’iisul Wasaaraha ka wada hadalnay arrimo muhiim u ah geeddi socodka dowlad dhiska dalkeenna, iyo qaabkii si iskaashi leh oo wadajir ah loogu dhaqaajin lahaa howlaha

Xamza Cabdi Barre oo uu dhawaan ra’iisul wasaare u magacaabay madaxweyne Xasan  ayaan la ansixin, waxaase lagu wadaa in maalmaha soo socda la horgeeyo baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here