Sawirro: R/W Xamza oo loo gudbiyay qorshe hawleedka saddex wasaaradood

0

MUQDISHO (SMN) – Iyadoo ay dardar ku socdaan dejinta qorshe hawleedka kala duwan ee Wasaaradaha Xukuumadda DarQaran, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane HHamza Abdi Barrewaxaa uu galabta ka guddoomay Qorshe Howleedkooda sanadka 2023, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ,Maxamed Barre Maxamuud iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Jaamac Xasan Khaliif.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay saddexda Wasiir inay xoogga saaraan sidii looga miradhalin lahaa halbeegyada iyo qorshooyin wakhtiyeysan ee ku saleysan tiirarka barnaamijka Xukuumadda.

Soo gudbinta qorshooyinka Wasaaradaha ayaa aas-aas u yihiin helidda hannaan wanaagsan oo lagula xisaabtami karo Wasaaradaha iyo Hay’addaha kale si loo hubiyo in shaqooyinka horyaala lagu qabto wakhtigii loogu talagalay iyo in la xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan dhammaan adeegyada kala duwan ee ay Xukuumaddu u ballan qaaday fulintooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here