Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay guddoomiyaha Aqalka Sare + Sawirro

0

Ra’iisul-waasaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, gaar ahaa doorka guddoomiye Cabdi Xaashi.

War kooban oo kasoo baxay Xafiiska ra’iisul-wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan lagu gaaray is afgarad ku saasban doorashooyinka dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

Wada-hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo weli magaalada Muqdisho uu ka socdo shirka doorashooyinka ee u dhexeeyo dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here