Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay ururada bulshada rayidka ah

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble la kulmay xubno ka socday Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa ka dhageystay aragtiyo iyo talooyin ku aaddan geeddi socodka doorashada dalka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-ka bishan ka furmaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Rooble ayaa u xaqiijiyay Ururrada Bulshada Rayidka ah sida ay uga go’an tahay dardargelinta dhammeystirka doorashada, si dalka looga gudbiyo xaaladda cakiran ee ku jiro.

Kulankan ayaa daba socda shirar wada-tashi ah oo uu maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka waday ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here