Sawirro: Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilay wafdi ka socda sweden

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa la kulmay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden Per Olsson Fridh oo booqasho ku yimid dalka.

Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden ayaa boggaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee maanta laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay dowladdaa Sweden taageeradeeda Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here